Guryosamo hargaysiyo
Saylac iyo boorame
Iyo saaxil iyo sheykh
Oo saban bar waaqaa
Dhulku doogu siman yahay
Biyuhuna sumsumayaan
Socdaalkaan ku tegaybaa
Wali iisawiranoo
Sadrigayga xiisuhu
kasal guurimaayee
somalilaaneey
waan idin salaamee
side tihiin ma nabadbaa
burcoo sagal ku hooriyo
sool iyo saraar godan
iyo sabarkii dallood
mayaygu kasara kacay
shacabkuna safeeyoo
sifa gaara leeyahay
Socdaalkaan ku tegaybaa
Wali iisawiranoo
Sadrigayga xiisuhu
kasal guurimaayee
somalilaaneey
waan idin salaamee